Sawiro:Guudlaawe oo jowhar ka furay shirweynaha goballada iyo degmooyinka hirshabeele

guudlaawe

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan doodo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.

“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowlad goboleedka Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.”

Share this Article

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.