Madaxwayne Xasan oo Ka hadlay Heshiiska Labada Aqal ay Sida Degdega ah ay Ku Ansixiyeen

xasansheekh

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu maanta ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho,wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano, muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.