Sawiro:Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyay saddex xubnood oo ka mid noqonaya Gudiga Bangiga Dhexe

Bangiga

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow),Faysal Cabdulaahi Warsame,Maxamed Xasan Cumar.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.