Madaxwaynihii hore Farmaajo oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u direy umadda Muslimka munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

“Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo oo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, munaasabaddan oo sannadkan ku soo beegantay innaga oo ku jirna xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

Maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo waa maalmo ku suntan khayr iyo cibaado ay ka mid tahay gudashada waajibaadka Xajka iyo sadaqada oo la badiyo maalmaha Carafo. Walaalaha Soomaaliyeed waxaan ku boorrinayaa in ay ku dadaalaan garab istaagga dadka danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhowaado.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle ka baryayaa in uu ciiddan teeda kale nagu gaarsiiyo barwaaqo, midnimo iyo horumar ballaaran oo ay dadkeenna iyo dalkeennuba ku tallaabsadaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.