Akhriso:Madaxweyne Xasan oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Ismaciil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti  u diray  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha  nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.