Daawo:Ra’iisalwasaare Xamse oo Codsaday inaan la sheegin Qaladaadka Dowlada

xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumadda ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.