Dhageyso:Generaal Odawaa oo sheegay in ay dileen Ajaaniib ka tirsanayd Shabaab qaarna ay qabteen

odawaa

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkii Ceel-qaboobe lagu laayay Malleyshiyaad Ajaanib ah qaarna nolosha lagu qabtay.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in Ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka oo ku howlgalayay xogo ay horay uga hayeen cadowga ay ku beegsadeen deegaan 30 Km dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarardheere, halkaas oo ay khawaarijtu doomo u rarnaa kala degayeen hub iyo agab kale oo ay doonayeen inay Ummadda ku dhibaateeyaan.

General, Odawaa ayaa intaa ku daray in ay halkaasi Ciidanku ku laayeen Malleeshiyaad Ajaaniib ah oo ka barbar dagaallamaysay khawaarijta, qaarna nolosha lagu qabtay, isla markaana laga gubay gaari weyn oo ay kusoo diyaariyeen waxyaabaha qarxa, lagana qabsaday gaadiid dagaal.

“Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri taliyuhu.

Malleeshiyaadka laga dilay argagixisada ee Ajaaniibta ah iyo kuwa la qabtay ayaa xilligaasi uu howlgalka qorsheysan dhacayay waxay ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka ay doomaha kala soo dagayeen khawaarijta, sida uu taliyuhu sheegay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa intaa raaciyay in aysan jirin wax qasaara ah oo soo gaaray Ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhowaa maaddaama uu howlgalku u dhacay si taxaddar iyo xog agaalnimo ah, feejignaanta ciidankuna ay ahayd mid sarreysa.

Howlgalkan ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen, Odowaa Yuusuf Raage.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.