Soomali qasoo Qaxday colaada Khartuum oo South Sudan soo Gaaray

camey

Safiirks Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya u fadhiya dalka koonfurta Sudan Danjire Cabdikariim Xaaji Cumar Cameey oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Xamse Aadan Xaadow iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofurta Sudan Mudane Saciid Jaamac ayaa kulan kula qaatay 102 qof Muwaadiin Soomaaliyeed oo u badan arday kuwaasoo laga soo samata-bixiyay dagaalka ka socda dalka Sudan.

Muwaadiniintan oo safar dhulka ah kusoo gaaray ilaa xuduuda dalka koofurta Sudan la leedahay dalka Sudan ayaa waxaa iska kaashaday samata-bixintooda safaaradda Soomaaliya ee dalka koofurta Sudan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koofurta Sudan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa kasoo kala galay labo magaalo oo xudeedda ku kala yaala oo la kala yiraahdo Ranka iyo Baaluuj kuwaasoo ku yaala soohdinta Sudan iyo koofurta Sudan kala qeybisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wata dadaalo lagu soo samata-bixinaayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku bara baxay dagaalka Sudan ka socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.