Wasiirka Caafimaadka XFS oo Gadiid Caafimaad Ku wareejiyay dowlad goboleedyada

gadiid

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.