Muxuu yahay Go’aanka Maamulka Banaadir ee ku saabsan isticmaalka iyo iibinta Shiishda?

jimcaale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Mlmagaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka.

Amarkan ayaa duqa Muqdisho ka sheegay kulan uu xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray mamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Amarkan ayaa adkaynaya howlgal ballaaran oo todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu ku qaaday goobaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya ama lagu sameeyo, si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.