Madaxwayne Xasan oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka uu Alle wax siiyay ugu baaqay in ay walaalahooda dan yarta ah la qaybsadaan farxadda Ciidul Fidriga lana wadaagaan damaashaadka maalintaasi.

Mudane , Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa si gaar ah uga dardaarmay in il gaar ah lagu eego walaalaha Soomaaliyeed kasoo barakacay abaaraha iyo musiibooyinka kale eek u duruufeysan magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.