Madacwayne Xasan oo Booqday Xerada Jeneraal Goordan

Xasansheelh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo Argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada Guutada Gumac oo hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya firxadka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga xoreynayo nabad-diidka, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.