Cabdi Xaashi oo Ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

aqalka sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah u diray hambalyo ku aadan bilashada bisha barakaysan ee Ramaan oo ku suntan cibaadada, towbada, is-cafinta, sadaqada iyo taakulaynta dadka danta yar.

“Fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay xoojiyaan caawinta iyo garab istaaga, qoysaska danta yar gaar ahaan kuwa u nugul culayska dhaqaale ee bishan”

Ugu danbayn Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada iyo Alle Bariga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.