Sawiro:Xasan Sheekh oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Muktar Mohamed Ware xilka safiirnimo, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo gudaha
Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof iyo dad taagan
Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan
Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo suud

Share this Article

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.