Qarax Baardheere Lagula Beegsaday Masuulyiinta Gedo

Baardheere

Wararka ka imaanaya magaalada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka qarax lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Masuuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay la socdeen wefdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Warrar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Garaad (Canjeex) uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas balse xogaha laga helayo magaaladaas ayaa sheegaya in isgaarsiinta ay go’antahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.