Maamulka Isbitaalka Martiini oo faah faahin ka bixiyay dab ka kacay Isbitaalkaas

dab

Dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guulleystay in la damiyo dab xooggan oo galinkii dambe ee maanta ka kacay Isbitaalka Demartino ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin Yuusuf oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qaliinka ee Isbitaalka, xilli uu qaliin ku socday mid kamid ah Bukaannada.

Agaasime Cabdirisaaq ayaa xusay in lagu guulleystay in la damiyo dabka, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Martiini.

Dabka ayaa ka dhashay ka dib markii ay qaraxday mid kamid ah haamaha Oxysigen ee yaallay Saalada Qalliinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.