Daawo:Ra’iisalwasaare Xamse oo Muqtaar Roobow u sheegay inuu Soomalida u Cadaalad Fadlo

Muqtaarroobow

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda FS ayaa sheegay in xukuumadda Dan-qaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka sanadkan.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, guddiga maareynta iyo maamulka Xajka, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada cujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.