Sawiro:Raa’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay safiirka Denmark u joogo Soomaaliya

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa uu ku qaabbilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Mudane, Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in  ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.