Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka

barlamaan

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, waxaana ogolaatay 145-xildhibaan, hal ayaa diiday, lix xildhibaan ayaa ka aamustay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali xagaa ayaa golaha uga mahadceliyay meel marinta sharcigan oo kaalin muhiim ah ka qaadan doono dowlad dhisida Soomaaliya

“Ansixinta Hindise sharciyeedka socdaalka iyo Jinsiyadda wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa dhismaha Dowladnimada” Wasiir Xagaa

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah marsiinta Akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Socdaalka, dhameystirka dooda warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maareynta deegaanka.

kulanka xilidhibaanada oo wali socda ayay ka doodayaan sharaciyada kale ee horyaala maanta golaha kuwaa la filayo in sidoo kale ay ansixiyaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.