Soomaaliya oo Dalka Turkiga Ugu Deeqday Lacag Ka Badan 100 Milyan oo lacagta Turkiga ah

turkey

Dowladda soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan doolar lacagata oo ay dowladda   iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan  u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay..

Munaaasabadda lacgta lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Ray’iisulaha xukuumaadda federaalka soomaaliya,xildhibaanno ,xubnno ka tirasan golaha wasiiradda iyo wakiila ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay goobta ayaa ku dheraada kaalinta walaalnimo ee dowladda iyo shacbka Turkiga ay ka qateen u gurmashadda dadka soomaaliyeed “Abaalka uu Turkigu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Erdugan.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Ra’iisul Wasaare xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guddiga gurmadka walaaha turkiga iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed oo ka jawaabay baqii dowladda ee ah ka qebqaadasha sidii loogu gurman lahaa dhibatadii ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga oo dad fara-badan ay ku dhinteen waxa u sheegay in dhibaatadasi  shacbka soomaaliyeed ay bartay in ay ka qeyb qaadan karaan wax kasata oo ay u midoobaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.