Puntland oo Sheegtay dagaalka Laascaano inuu u dhaxeeya SSC iyo Taliska Muuse Biixi

puntland

War Qoraala oo kasoo baxay Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay Dagaalka kasocda Laascaanood iyagoo iska fogeeyey eed uga timid maamulka Muuse Biixi.

Warkii kasoo baxay Puntland ayaa sidaan u qoranaa

“”Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.

Dowldda Puntland marwalba waxay qadarinaysaa in Soomaalida dhexdeeda iyo Gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah.

Cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.

Dagaalkaan oo sii socda waxaa kaliya oo ka dhalan kara masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa Gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

Colaadda Gobolka Sool ee keentay Dhimashada, Dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda Gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.””

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.