Daawo:Aqalka sare oo maanta Akhrinta Labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman

aqalka sare

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 16-aad.

Ajendayaasha kulanka looga hadlayay ayaa kala ahaa hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa iyo Hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman.

Sanatarrada Golaha ayaa ugu horreyn dood ka yeeshay sharciga Cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo marayay akhrintiisa labaad, waxayna soo jeediyeen in maalmo dheeraad ah la siiyo si ay turxaan bixin ugu soo sameeyaan sharciga.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Senatorrada Aqalka Sare u akhriyay sharciga nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, oo uu Wasiirku sheegay in sharcigaan muhiimiyad gaar ah uu dalka u leeyahay kana mid yahay sharciyada qaybta ka ah Barnaamijka deyn cafinta Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.