Akhriso:Qoorqoor oo magacaabay wasiirka caddaalada iyo wasiiru dowlaha Waxbarashada

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka iyo Wasiiro Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Cabdullahi Axmed Maxamed Wakiil, halka Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare loo magacaabay Cabdiwali Cali Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii faray dhamaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan wasiirada la magacaabay, si ay waajibkooda u gutaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.