Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ayaa sheegay Godinlabe inay Dagmo Tahay

waayeel

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug mudane Abdi Mohamed Jamac(Cabdi Waayeel) Oo Wehlinayo Wasiir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Omar Mohamed Diiriye (Omar Guureeye) Ayaa SiWayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Godinlabe Oo uu Ku tagay Booqasho iyo Qiimayn lagu sameynayo Degmada Godinlabe.

Wafdiga wasiirka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka wasaaradda Bay’ada, Wasiirka Xanaada xoolaha Wasiir kuxigeenka Beeraha, Xildhibaano katirsan Galmudug Iyo Gudoomiyaha Degamda Baxdo.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay booqdeen xaruma muhiim ah oo kuyaala Godinlabe ayagoo Qiimayn ku sameeyay Xaalada Nololeed ee Bulshada Degmada.

Wasiir Abdi Waayeel oo Hadal ka jeediyay Xaflad lagu soo dhawaynaayay ayaa ku dhawaaqay In Godinlibe Tahay Degmo Asagoo sheegay in ay marsiindoonaan habka loo qorsheeyay in la mariyo Degmooyinka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.