Daawo:Generaal Biixi oo Ka hadlay Dagaal Alshabaab Dhexdooda ku dhexmaray Xarardhere

dhoore

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in dagaal ku dhex maray Khawaarijta agagaarka degmada Xarardheere ay isaga dileen 14 dhagarqabe, iyagoo iska dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Generaal Biixi “Khawarijtu Degaan u dhaw Xarardheere ayay shalay ku dagaalameen, iyaga oo iska dilay 14 ruux iskana dhaawacay tiro intaas ka badan”.

Taliyaha oo warbixin siinayay wafdi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah oo saakay gaaray Xarardheere ayaa intaasi ku daray in ay ka go’an tahay inay horay uga sii socdaan hadba meesha ay xoreeyaan, dowladda dhexena looga baahan yahay inay keento Ciidan xasilin ah iyo adeegyadii bulshada.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in khawaarijtu ay niyad jabeen dagaalkana aysan sii wadi karin, firxadka haatan dhuumaaleysanaya la qasbayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.