Sheekh Shariif oo Ka horyimid Mudo kororsiga Maamul goboleedyada iyo Xasan Sheekh

shariif

Xisbiga Himilo qaran ee Gudoomiyaha ka yahay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh axmed ayaa ka horyimid Mudo kororsiga Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraalii kasoo baxay xisibiga Himilo Qaran ayaa Sidaan u qornaa.

Mowqifka Xisbiga Himilo Qaran ee ku aadan muddo kororsiga
hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Sida lawada ogsooon yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku
dhisantahay heshiis bulsho (Dastuurka KMG), kaas oo ay ansixiyeen 825 ergo
Soomaaliyeed oo kala matalayay gobollada ay ka kooban tahay JFS iyo qaybaha
kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Heshiiskaas Bulsho ee Dastuurka KMG
ah qodobkiisa 4aad, faqrada 1aad iyo 2aad wuxuu si cad u qeexayaa sarreynta iyo u
hoggaansanka sharciga, Madaxweyanaha JFS waa ilaaliyaha ku dhaqanka
Dastuurka.
Hadaba, sida ku cad qodobka 60aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee JFS
muddo xileedka golaha Barlamaanka JFS labadiisa gole waa 4 sano oo ka
bilaabanaysa maalinta la doorto/dhaariyo xubnaha labada gole. Sidoo kale muddo
xileedka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa 4 sano oo
ka bilaabanaysa maalinta la dhaariyo madaxweynaha sida ku cad qodobka 91aad
ee Dastuurka KMG. Waxaa xusid mudan, in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka ay dhammaantood ku dhisan yihiin dastuurro u gaar ah maamul walba,
kuwaasoo wada qeexaya muddada xilhaynta golayaasha dowlad goboleed walba.
Waxaa ayaan darro wayn ah inay baal maraan golayaasha dowladda Federaalka
iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka qodobada ku qeexan
dastuurada lagu doortay ee awooda u siiyay inay matalaan ama hogaamiyaan
bulshadooda. Waxaan marna suuragal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole

la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi ah in wax-
kabedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay’adaha

dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si
looga fogaado danaha isdiidan “Conflict of interest”.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in fikradda korosiga muddo xileedka
inay asaas u tahay kalsooni darro iyo cabsi ay qabaan qaar ka mid ah hogaamiyaasha
inaan dib loo dooran, waxaana haboon in hogaanka dalku heerarkiisa kaladuwan ay
ku kalsoonaadaan bulshadooda ayna xoogga saaraan inay muddo xileedka la doortay
qabtaan waxqabad la taabankaro.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray
magaalada Baydhabo 04/02/2023 uuna garwadeenka ka ahaa madaxweynaha JFS
Mudane Xassan Sheekh Maxamuud una dhaxeeyay Madaxweynaha dowladda
Koonfur Galbeed iyo midowga murashaxiinta Koonfur Galbeed wuxuu gogol xaar u
yahay muddo kororsi ay damacsanyihiin hogaanka sare ee dowladda Federaalka
Soomaaliya, ifafaaladeediina hadda uu ka bilowday Golaha shacabka JFS oo
gudbiyay soojeedin (Motion) ay ku raadinayaan muddo kororsi.
Xisbiga Himilo Qaran isagoo ka duulaya sarreynta sharciga iyo dhowrista xeerarka u
dagan JFS iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuu gebi ahaanba
ka soo horjeedaa muddo kororsi noocey doonto ha noqotee, magacii la doonana
halloo bixiyee, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha
xubnaha ka ah dowladda Federaalka inay dhowraan sharciga kana dheeraadaan
muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed sidii horey loo soo
tijaabiyay.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay dowlad dhiska Soomaaliyeed inuu
marayo marxalad adag oo u baahan dhowrista heshiisyada bulsho, adkaynta
midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay in
laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-darro,
colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda.
Ugu danbayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqayaa madaxda dowladda
Federaalka inay mudnaanta siiyaan shaqooyinka hortabinta u leh qaran
Soomaaliyeed iyo geedi dhiska dowladnimada sida; qabyo-tirka Dastuurka, xoreynta
dalka IWM. Waana inaan dalka loo horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo in laga
mashquulo halganka loogu jiro la dagaalanka argagixisada iyo dayn cafinta.

=Dhammaad=

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.