Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukun toogasho ah ku fulisay Afar askari

Shuute

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsnaa ciidamadda dowladd Kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah.

Askartaan xukunka fuliyay saakay ayaa kala ah: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka Booliiska.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in dhammaan raggan saakay la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda shaqo wadaagga ay ahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.