Daawo:War-murtiyeedka Shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah

xasansheekh

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u akhriyey war-murtiyeedka shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoomiyey madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha  Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya.

Qodobada ahmiyadda wayn leh ee madaxdu isku raacay ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda shirka ka soo qeyb gashay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan.

Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.