Aadan Madoobe oo Shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Koonfur Galbeed

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Koonfur Galbeed

Shirka ayaa looga hadlay Dardargelinta Wajiga Labaad ee Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed iyo amniga guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed,waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Gudiga Farsamada Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa halkasi dhawaan kaga qeyb galay wajiga koowaad ee shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.