Lugadheere ayaa ka qayb galay shirka wadatashiga maamul daadajinta iyo degmooyinka

lugadheere

Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta magaalada Kismaayo kaga qayb galay shirka wadatashiga guddi Wasaaradeedka maamul daadajinta iyo degmooyinka ee siyaasadda xulashada nidaamka maamul daadajinta Jubbaland.

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa looga arrinsan doonaa taabo galinta hanaanka dowladaha hoose iyo sidii uu maamulka u baahi lahaa ilaa heer degmo, Waxaana la qorsheenayaa in bisha December ee foodda inagu soo haysa laga dhaqan galiyo barnaamijkan degmooyinka Ceelwaaq iyo Dhoobley.

Shirkan waxaa goob joog ahaa Wasiirada qaybta ka ah guddiga heerka Wasiir, qaar ka mid ah maamulada degmooyinka gobolka Jubada hoose, lataliyaal sar-sare, Aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.