Dad Tiradooda kor u dhaaftay 500 ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qaraxii Soobe

Qaraxsoobe

Khasaaro Lixaad Leh ayaa Ka Dhashay Qaraxyadii Lagu Weeraray shalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Soobe oo ay ku taalay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen Isbitaalada Magaalada In ka badan 200 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, halka ku dhawaad 350 qof ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxayada, waxaana sidoo kale nolal iyo geeri lagu la’yahay dad badan oo ay baadi goob ugu jiraan qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hada si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.