Ra’iisal wasaare Xamsa oo magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka Soobe

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

  1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
  2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
  3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
  4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin
  5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
  6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin
  7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin
  8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
  9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
  10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC                Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

  1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
  2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
  3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
  4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
  5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.