Madaxwayne Laftagareen oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan hore Afaraale

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan hore Maxamed Isaaq Xasan (Afaraale)

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Isaaq Xasan (Afaraale) Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Deeganada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed,waxaana uu kamid ahaa Halyeeyadii Doorka muhiimka ah ku lahaa Dowlad dhiska iyo Nabadaynta Bulshada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.