Ciidamada Xooga oo Sheegay Cali Dheere inuu u geeriyooday dhaawac loogu gaystay hiiraan

calidheere

Xog Muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka Argagixisada Alshabaab Dhagar Qabe Cali Dheere Axadii lasoo Dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh. dhexe.

Dhagar qabe Cali dheere ayaa maalmahaan Isbitaal la jiifay Dhaawac Culus oo kasoo gaaray Dagaal Ciidanka Xoogga & Shacabka Xoreynta Hiiraan ay argagixisada kula galeen

deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo Dhaafay oo taariikhdu ay ku beegneyd 29. Sep. 2022, dagaalkaas oo Cadowga looga dilay ku Dhawaad 80 Maleeshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Qoorgaab, kaasi oo qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleeysta Shabeelooyinka.

Argagixisada Alshabaab ayaa sida looga bartay qarinaya Dhimashada Dhagar Qabe Cali Dheere oo kamid ahaa Horjoogeyaasha ugu Dhagarta Badan Cadowga Alshabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.