Sawiro:Wasiir Fiqi oo Shaqadii Wasaarada Amniga La Wareegay

Fiqi

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo shaqadii wasaarada Amniga la wareegay ayaa maanta kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf ayaa diirada lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda.

Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.