Akhriso:Guudlaawe oo Magacaabay Guddi qiimeeya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Beledweyne

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Isniintii argagixisadu ka geeysatay Beledweyne.

Guddigaan oo ka kooban 9-Xubnood ayuu Madaxweyne Cali Guudlaawe faray in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay

Xubanaha guddiga ayaa kala ah

1: Cabdiraxmaan Daahir Guure Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiyaha Guddiga.

2: Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga.

3: Maxamuud Wabar Xasan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Guddiga.

4: Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xoghayaha Guud ee Guddiga

5: Cali Cabdulle Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle Xubin.

6: Muuse Salaad Wehliye Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xubin

7: Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin.

8: Maxamed Faarax Cali Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Shir-Shabeelle Xubin

9: Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Xubin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.