Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Mashaqadii Ka Dhacday Baladweyne 

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Marxuum Dr Sakariye Maxamed Axmed, Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudoomiye Ku Xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Marxuum Abuukar Maadey iyo dhamaan muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii argagixisadu maanta ka fuliyeen Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha, Ayaa yiri “Argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, Waxayna tanis caddaynaysaa inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaannada Gobolka Hiiraan”.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Ayaa yiri ” Waxaan Cod dheer ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed,Waa inaan si wadajir ah,ugu qeybgalaan howlgallada dalka looga ciribtiraayo argagixisada Arxanka Daran ee Al-Shabaab oo gabalkoodu sii dhacayo”.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. 

Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Cali Guudlaawe, ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxyadii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.