Sawiro:Generaal Biixi & Mas’uuliyiin kale oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan

dhoore

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidan ayaa booqday furimaha dagaalka oo aay ku sugan yihin ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirri-gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga Genaraal Tawane Maxamed oo la hadlay ciidanka ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jibaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hiiraan ka socda

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal  Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku ammaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wadaan, sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee reer Hiiraan wadaan tusaale u yahay Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa ballan qaaday in dowladda dhexe ay dadka reer hiiraan ku garab istaagi doonto taageero dhinacyo badan leh sida ciidaan, dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.