Madaxwayne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Marxuun Farxaan Qaroole

farmaajo

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo shahiiday isaga oo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha arxanlaaweyaasha argagixisada ah.

Janaraal Farxaan Qaroole waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo aanay ahayn markii koowaad ee uu kooxaha argagixisada ah kula dagaallamo deegaanka Basra iyo deegaannada kale ee ku teedsan xuduudda Gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiday, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.