Sawiro:Abiy Axmed oo Madaxwayne Xasan Kusoo Dhaweeyey Addis Ababa

abiyaxmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah oo qaadanaysan Labo maalmood ay ugu bilaabatay dalka Itoobiya ayaa soo dhaweynta ugu sarreysay ee dalkaani ay u sameeyaan Madaxda waxaa lagu mamaausay isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirradiisa, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha, halka loo riday 11 madfac oo ka tarjumaya maqaamka sare ee lagu qaabilay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku maray dhammaan dalalka dariska la ah dalkeenna iyo guud ahaan Gobolka, si uu xoojiyo xiriirka iyo doorka diblumaasiyadda dalkeenna, loona xaqiijiyo Soomaali heshiis la ah dariskeeda, saaxiibna la ah cid kasta oo ay danwadaag yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.