Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhoofay dalka Itoobiya

xasanshekkh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu ambaba-baxay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.

Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-ababa waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyaddeenna  ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.