Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ka Daahfuray Barnaamijka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Mideysan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhoweeysay shirka ayaa xustay in ay dowladda ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka si rasmi ah u furay ayaa haweenka Soomaaliyeed ku boggaadiyey doorka lama ilaawanka ah ee ay kaga jiraan Ilaalinta xuquuqul insaanka,wuxuuna ballan qaaday in Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu kaalintiisa ka qaadan doono isagoo adkeeyey in Guddigga Xuquuqul Insaanka ee golaha shacabka dadaal dheeraad ah ay ku bixin doono dardar gelinta iyo ilaalinta xuquuqda dadka ku nool dhulka Jamhuuriyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.