Sawiro:Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La qaatay Safiirka Sacuudiga

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Adan Maxamed Nur (Madobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay dhismaha Machadka Tababarada Baarlamaanka, horumarinta Baarlamaanka JFS, iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi, isagoona Guddoomiyaha uga mahadceliyey shaqada dardarka leh ee uu hoggaanka u haayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sucuudiga la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.