Sawiro:Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa gaaray Buula-burde

cali jeyte

Wasiiro, Xildhibaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Hiiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Buula-burte.

Guddoomiyaha iyo madaxda la socday ayaa ka amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyaga soo maray Laamiga dheer ee isku xera Beledweyne iyo Buula-Burte oo sanado badan u xirneed Argagaxisada Al-Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Bulo-Burde ayaa soo dhaweyn sare u sameeyay wafdiga.

Ujeedka socdaalka Madaxda ee maanta ku gaaray  Buulo-Burde ayaa salka ku hayso xoojinta howlgalka ka dhanka ah Argagixsada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ka socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.