Akhriso:Dowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Qatarta Cudarka Ebolaha

Astaan

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Cafimaadka ee Jamhuuriyadda Uganda markii ay taariikhdu ahayd 20-ka Bishan September 2022, kaas oo ku saabsanaa in dalkaas laga helay kiisas la xiriira Cudurka EBOLA Virus Disease (EVD), waxa ay shaacinaysaa qodobada soo socda si looga taxadaro loona ilaaliyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.