Sawiro:Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray xarumaha wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga Dhexe

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeeray xarumaha Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo xisaabiyaha Guud, isaga oo u kuurgalay howllaha shaqo ee ka socda hey’adahaan muhiimka u ah nidaamka Maaliyadda dalka.

Mudane Xamse ayaa kala hadlay madaxda Hay’adaha Maaliyadda dalka ee uu booqday dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Xisaabiyaha Guud Marwo Faadumo Cusmaan Faarax, waxa uuna ku boorriyay masuuliyiinta sii Xoojinta wadashaqaynta dhexdooda ah iyo waajibaadka ay qaranka ugu idman yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.