Dhageyso:Uganda dad Ugu Dhinteen Cudurka Ebola iyo Somaaliya oo halis ugu jirta Cudurkaas

Musaveni

Ugu yaraan hal qof ayaa cudurka Ebola ugu geeriyooday bartamaha Uganda, xilli dalkaas uu ka dillaacay nooca xanuunkaas ee loo yaqaan Sudan strain.

Wasiirka caafimaadka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qofka u dhintay cudurka markii hore lagu arkay astaamaha Ebola, Ninka u geeriyooday cudurka ayaa kasoo jeeday tuulada Mubende oo qiyaastii 147km u jirta magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Kiiskan ayaa ah mid naadir ah oo ah nooca Ebola ee laga helay sida ay xaqiijisay xarunta qaabilsan cilmi baarista feyraska, sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Ha’yadda waxay sheegtay in 8 qof oo lagu arkay astaamo looga shakisan yahay cudurka haatan la daweynayo isla markaana shaqaalaha caafimaadka u dirayaan goobaha uu ka dillaacay cudurka.

Soomaaliya ayaa halis ugu jirta Cudurkaan hadaysan ka taxadarin madaama isu socodka Diyaaradaha Uganda iyo Soomaaliya ay furan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.