Wasiir Fiqi oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Qaar kamida Odoyaasha Dhaqanka ee Galmudug

fiqi

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooryaan ah, oo qaadhicu dariiqa ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaannadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug, kaas oo lagu qaban doonno Baladweyne ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa waxa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka argigixisada Al-Shabaab, iyaga oo Wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan, waxaa kale oo ay wacad ku mareen in ay u huri doonaan naf iyo maal dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.