Ciidamada Xooga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Shabaab ka sameeyay Shabeelaha Hoose

dagaal

Ciidanka Xoogga, gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Argagixisada AlShabaab ka sameeyay tuulooyinka “Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal” oo hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa Ciidanku ay khaarijiyeen Afar kamid ah dhagarqabayaal isku dayay inay ubabac dhigaan Awoodda geesiyaasha Xoogga.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad Kumaandooska Xoogga ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Shiikh oo howlgalka hogaaminayay ayaa SNA RADIO u xaqiijiyay inay burburiyeen doon ay wabiga labadiisa dhinac isaga kala gudbin jireen Argagixisada baadda ay sida khasabka ah uga qaadi jireen shacabka ku nool tuulooyinka ay cagta mariyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.