Axmed Madoobe iyo Aadan Madoobe ayaa Kulan Muqdisho ku yeeshay

aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulanka oo looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Al Shabaab.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.